Top News: Ahlu Sunna Waljamaaca Oo Taageertay Ku Biiridda Ciidamada Itoobiya Ee AMISOM.

0

Baydhabo (AGGM): Culimaa’uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta ku qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kulan
lagu taageeray ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Xoghayaha guud ee Ahlu Sunnada gobollada koonfureed, Cali Nuur Cali Idiris oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in ciidamo ka socda Itoobiya oo ka tirsan AMISOM ay la wareegaan ilaalinta nabadgelyada gobollada Baay, Bakool iyo Gado.

Wuxuu ka codsaday ciidamada Itoobiya ah in ay degdeg ah u billaabaan howlgallo Al-Shabaab looga sifaynayo gobollada ay ku sugan tahay.

Cali Nuur ayaa tilmaamay in culimaa’uddiinka Ahlu Sunna ay kaalin ka qaadanayaan la-dagaallanka Al-Shabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa shalay si rasmi ah ugu biiray howlgalka AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com