Shil Gaari Oo Hal Qof Ku Geeriyooday Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho (AGGM): Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay in kaban shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib shil gaari oo saakay aroortii ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Afrta Jardiino iyo Sanca ee waddada wadnaha.

Shilka ayaa la sheegay in uu ka dhashay markii bas nooca Soomaalida ay u taqaano Caasiga uu ka baxay wadadada kaddib markii lumiyay darawalka maamulka baabuurka,xilli uu la tartamayay gaari kale oo nooca caasiga loo yaqaano ah.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa la gaarsiiyay cisbitaalka Madiino iyadoo xaaladda qaar ka mid ah dhaawacyadaasi laga deyrinayo.

Isku soo wada duuboo Shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho waxaana la rumeysanyahay in shilalkan ay sabab u yihiin burburka waddooyinka iyo khibrad yarida wadayaasha qaarkood.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com