Garsooreyaal Iimaan-laawayaal Ah Goormay Bad Baadin Karaan Ummadda Soomaaliyeed ? W/Q. Ex.Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys

0

Maxkamadaha & Garsoorka Dalka Waa U Muhiim Amniga Iyo Horumarka Dalka Guud Ahaantiisa,Haddaanu Caddaalad Jirin Amni Ma Imaan Karo Waayo Zamankan Aakhiru Zamaanka Ah Waxay Dadka Badankooda Ka Baqayaan Ciqaabta Wax Alla Ka Baqaayo Waa Yaraadeen.

Garsoorka Dalkeenna Maantana Far Baa Ku Taagan…Far Keliya Ma Ahee Gacmo Iyo Hadalo Fara Badanaa Ku Taagan,Dab La’anna Uun(Qaac) Ma Baxo.

Horta Ma Isku Raacsanahay? Garsoore Waxaa Ku Haboon Inuu Noqdo Qof Illaah Ka Baqaayo, Aqoon U Lah Waxa Uu Ka Garsoorayo,Balwad Laheyn,Bulshadana Ku Kalsoon Tahay, Jeebka Dadkana Ka Kaaftoon.) Ka Dib

Waxaa La Rabaa Maxkamad Dadka Ay Ku Kalsoon Yihiin Og Yihiinna Iney Gartooda U Dhicineyso.

Mala Rabo In Iney Dhacdo Dad La Og Yahay Iney Garta Leeyihiin In Maxkamadda U Dacwoodideeda Ay Uga Haraan Iyago Is Leh : Laaluushaa Koleyba Lagu Weydinaayee See Yeeleey ! Ama Ninka Aad Dacweyneysid Ina Adeerkiisaa Maxkamadda U Jooga Maxaan La Iiga Qaadaa? ! Iwm.

Sidoo Kale Mala Rabo In Dad Lagu Dulmey Maxkamadaha Hoose, Haddeey Madaxda Maxkamadda Sare U Aadaan In La Dhaho Awalba Inta Inaa Ka Dhacdidaa Lagaa Rabey ,Maxaad U Maleyneysey Markaad Lacagta Siineysey Kan Aniga Iga Hooseeyo Ee Hadda Ka Xaaxaabi Ama Soo Tuuro Lacag Cusub Iwm.

Sidoo Kale Yey Dhicin Nin Hal Dooro Xadey Oo 10 Sanno La Xiro,Ninna Mallaayiin Lacag Ah Xadey Oo Xataa Lala Hadleyn Isagoo La Og Yahay Meeshana Hor Marmaraayo. ( Wax La Mid Ahaa Jira Ilaa Hadda….).

Sidaasoo Dhan Waxay Ka Suura Gashaa Garsoore Aan Iimaan Leheyn.

Umulisadii Ilmaha Ciijisay Ha Noqonina Garsoorey.

Dhinaca Kale,Dadwynaha Qaarkoodana Waxaa Jira Dad Ka Dhex Dalaala Garsoorayaasha Maxkamadaha & Dadweynaha Dacwoonaya Oo Labada Dhinac Midna Ka Dhaadhciya Inuu Laaluush Bixiyo Si Uu Wax U Helo (Sax Ama Qaladba Ha Ahaadee) Iyo Dhinaca Kalena Ka Dhaadhiciyo Inuu Laaluush Qaato Si Uu Ugu Hiiliyo Laaluush Bixiyaha ( Sax Ama Qaladba Ha Ahaadee).

Haddaba Si Ay Caddaaladda U Hagaagto Waa In Tallaabo Sharciyeed Laga Qaadaa, Dadka Laaluushka Bixiya ,Garsoorayaasha Laaluushka Qaata Iyo Dadka Ka Dhex Dallaala Intaba.Arintanna Diinteena Islamka Aad Bey Uga Digtey Aawi Hee Iimaankaa Illaahey Ka Qaadeyee Dadka Qaarkood.

Horta Kaali Ma Jirtaa Hadalka Dhahaayo Dadka Maalka Ama Macaga Leh Sharciga Ma Qabanaayo…Hadduu Jirana Why ?

Jawaabtaasi Iyo Arimahii Hore Aan Maqaalkan Uga Soo Xusney Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Guud Ahaan Iyo Xukuumadeeda Ayaa Looga Fadhiyaa Wax Ka Qabashadeeda,Barnaamijkeeda Dowladana Waaba Ku Jiraa, Allah U Fududeeyo, Waxaan Ku Tallinayaa Isbedel Weyn In Lagu Sameeyo Maxkamadaha Iyo Garsoorka Dalka Guud Ahaantiisa.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Qore: Ex.Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com