Dhageyso+ Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee golaha Wasiirada.

0

Muqdisho, January 23,2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay, waxaana kulankan diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha Wasiiradu ula wareegi lahaayeen Xafiisyada Wasaaraddahooda.

Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay R’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, isaga oo xusay in kulankan uu yahay kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub, isla markaana ay kala warqaateen.

“Waxaa Alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii shalay la dhaariyay, waxaana ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay sidii ay Wasiiradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada Wasaaradahooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo xusay in muddo 5 cisho ah ay qaadan doonto kala wareegida xafiisyada iyo xilalka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiiradu ay isla soo qaadeen xaaladda amniga ee dalka, ayna gaareen go’aano lagu horumarinayo sugida amniga iyada oo laga ambaqaadayo baahida deg deg ah ee jirta.

IMG_2402

IMG_2360

wasiirada1
IMG_2385

IMG_2390

IMG_2374

—– DHAMAAD —–

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com