Dhageyso: Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Bandhigay Waxqabadka Baarlamaanka Sanadkii 2013.

0

Muqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay soo bandhigay Waxqabadka Baarlamaanka ee sanadkii tagay 2013 ka dib Munaasabad laguna soo xeray Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka, sidoo kalena lagu dhaariyay Golaha Wasiirada Cusub ee maalintii Shalay ahayd ay ansixiyeen Baarlamaanka.

Prof: ayaa sheegay in sanadkii tagay ay wax badan u qabsoomeen Baarlamaanka, isagona intaasi ku daray in sanadka cusub ee 2014 ay rajeynayan inu wax badan u qabsoomaan.

Isku soo wada duuboo Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo Kalfadhigooda 3-aad uu soo bilowday bilowga sanadkii tagay 2013 waxayna galayan Fasax gaaraya mudo 1 bil iyo bar ah iyaga oo soo noqon doono 10-Bisha Maarso ee Sanadkan 2014.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com