Top News: Nicholas Kay Oo Soo Dhaweeyay Ansaxinta Golaha Wasiirada Cusub.

0

Nick Kay PHOTOMuqdisho (AGGM): Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay ansaxinta baarlamaanka soomaaliya uu maanta ansaxiyay golaha wasiirada cusub oo uu soo magacaabay ra’iisul wasaare C/wali Shiikh Axmed Maxamed.

“Waan u hambalyeynayaa wasiirada cusub,wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha xukuumadda soomaaliya,golaha wasiirada waxaa hor yaala howl adag oo ah nabad soo celinta,dib u heshiisiinta,isku xukunka sharciga iyo dowlad wanaag ay helaan shacabka soomaaliyeed, sidoo kale waxaa looga fadhiyaa wasiirada cusub siinta shacabka adeegyada dadweynaha iyo qaabeynta dhaqaalaha,” Ayuu yiri Nicholas Kay. ”

Nicholas Kay ayaa sheegay in qaramada midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siineeyso dowlada federalka ah ee soomaaliya,taasi oo ku dadaaleyso inay horumar ka sameeyso dhamaan dhinacyadaasi aan soo xusay.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Nicholas Kay ayaa ku dhiiri galiyay golaha wasiirada cusub in ay la shaqeeyaan baarlamaanka iyo madaxtooyada,iyadoo si buuxda loo tix galinayo dastuurka.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com