Somali lagu maxkamadeenayo Kenya

0

Nairobi(AAGM):Maxkamadaynta 4 dhalinyaro Soomaali ah oo loo haysto inay ka tirsan yihiin kooxdii weerartay suuqa Westgate ayaa ka socota magaalada Nairobi ee xarunta u ah wadanka Kenya.

Dacwad oogayaasha maxkamada ayaa dhalinyaradaan ku eedeynaya inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab isla markaana ay qeyb ka ahaayeen kooxdii bishii September ee sanadkii hore weerarka ku qaaday suuq ku yaala magaalada Nairobi

Daniel Ochenja oo ka tirsan kooxda dacwada dhalinyaradaan Soomaalida ku oogaya ayaa maxkamada ka dhex sheegay in dhalinyaradaan uu dambigu ku cad yahay lana hayo muuqaalo ay ka dhex muuqdaan ayagoo suuqa ka dhex dagaalamaya.

Warbaahinta Kenya qaarkood ayaa baahinaya in qareenadda u doodaya dhalinyaradaan lagu eedeeyay inay Al-Shabab ka  tirsan yihiin ay booqdeen dhismaha suuqa Westgate oo ay baaritaan ku sameeyeen eeda dhalinyaradaan loo haysto.

Maxkamadaynta dhalinyaradaan waayahaanba waa ay ka socotay dalka Kenya inkastoo aan willi go’aan laga gaarin.

Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay dawlada Kenya inay aad u ugu xad gudubto Soomaalida wadankeeda ku nool tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate Mall.