Dhageyso: Dhalinyaro Soomaali ah oo ku Xiran Dalka Yemen oo Cabanaya.

0

Mukala(AGGM): Qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaalida ee ku xiran Xabsiyada ku yaala Dalka Yeman ayaa ka cabanaa Dhibaatooyin Farabadan oo ku haysta Xabsiyadaas.

Dhalinyarada oo la hadlay Warbaahinta Allgalgaduud media ayaa sheegay in loo haysto arimo ku aadan Burcadbadeednimo islamarkaan Dowladda Dalka yeman ay u xiran yihiin Mudo Labo Sano ah.

mid kamid ah Dhalinyarada ayaa oo u hadlay Dhalinyarada kale ee Xabsiga ku jira ayaa sheegay in uu ku xiran yahay Magaalada Mukala ee Gobolka Xadra Mood ee Dalka Yaman,waxaana uu Dowladda Soomaalia ugu baaqay in ay wax u qabadto.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka mid kamid ah Dhalinyarada ku Xiran Gobolka Xadramood.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com