Top News: In Ka Badan 10 Kun Soomaali Ah Oo Laga Soo Tarxiilay Dalka Sacuudiga.

0

Muqdisho (AGGM): In ka badan 10 kun oo qof oo Soomaali ah ayaa labadii bilood ee ugu dambeysay waxaa laga soo tarxiilay waddanka Sacuudi Carabiya.

Dadkaasi ayaa waxa ay waddanka Sacuudiga u doonteen nolol wanaagsan, balse go’aan ay dhawaan soo saartay dowladda Sacuudiga ayey ku amartay in ajaanibta aan sharciga ku joogin ay dalka isaga baxaan.

Dadkan oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaallad aad u adag ay ku heesatay muddadii ay ku jireen xabsiyada dalka Sacuudiga.

Waxaa kaloo ay sheegeen in la soo qabtay iyagoo ku jiray shaqo ama socday waddo, oo wixii hantiyo dhar ay lahaayeen laga soo tagay, qaar kood ayaa sheegay in la garaacay markii la soo qabanayay.

Dumarka oo sita carruur ayaa iyana sheegay in si xun loola dhaqmay intii ay ku jireen xabsiyada, oo xanuuno kala duwan ay ku dhaceen sidda ay sheegeen.

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Jeneraal C/llaahi Gaafow Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay in qaar ka mid dadka laga soo tarxiilay Sacuudiga ay ku jiraan ajaaniib ka soo jeeda Ethiopia iyo Eritrean.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com