War Deg Deg Ah: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Soo Gaba Gabeeyay Khudbadi Uu Baarlamaanka Ka Horjeedinayay.

0

Breaking-NewsMuqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in uu hadda soo gaba gabeeyay R/wasaare Cabdiwali Sheekh khudbadii uu ka hor aqrinayay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsaneyd Barnaamijka Xukuumadiisa.

Dr. Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed R/wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay wax badan kaga bedeli doonto xaalada iminka uu dalka maraayo, islamarkaana Xukuumadiisa ay xil iska saari doonto la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda si ay meesha kaga baxaan Masuq maasuqa hareeyay hay’adaha Dowladda.

Dhinaca kale Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay diyaar u tahay inay wax ka qabato

Sugida amniga
Dib uhabeynta dastuurka
Hormarinta dhaqaalaha
Hormarinta adeega Bulshada
Dib udhisida hay’adaha Dawlada iyo warar kale

Isku soo wada duuboo waxaa goor dhaw la guda galayaa dooda Xildhibaanada ee ku aadan Barnaamijka Xukuumada Ra’isal wasaare Cabdiwali Sheekh ee uu hadda ka hor akhriyay Xildhibaanada Baarlamaanka .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com