War Deg Deg Ah: R/wasaare Cabdiwali Sheekh Oo Hadda Khudbad U Jeedinaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

0

breaking_news-620x3301Muqdisho (AGGM): Wararka Naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in uu hadda Golaha Barlamanka Soomaaliya ku sugan yahay Raisalwasaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Sheekh Axmed halkaasina uu ka jeedinayo khudbad ku saabsan Waxqabadka xukuumadiisa la imaan doonto mudada ay shaqaynayso.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada ku guda jira dhagaysashada khudbada Raiisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed waxaan la filayaa markuu dhameeyo in xildhibaanada dhexmari doonto dood kulul ayadoo la wada og yahay in Xildhibaanada in ay ku kala qaybsan yihiin Ansixinta Xukuumada Cusub.

Ra’iislawasaaraha Somaliya C/wali Axmed Maxamed ayaa waxa uu hadda khudbad ka hor jeedinayaa Xildhibaanada Baarlamanka Somaliya oo kulan ku leh xarunta golaha Shacabka ee magaalada muqdisho.

Dr C/wali Sheekh ayaa waxa uu ka codsaday mudanayaasha baarlamaanka inay ansixiyaan Xukuumada uu so dhisay isagoona ballan qaaday inuu wax badan qaban doono hadii codka kalsoonida ay siiyaan sida :-

Sugida amniga
Dib uhabeynta dastuurka
Hormarinta dhaqaalaha
Hormarinta adeega Bulshada
Dib udhisida hay’adaha Dawlada iyo warar kale

Isku soo wada duuboo Hadii la ansixiyo Xukuumada Cusub ee Raisalwasare Cabdiweli waxaay horay ka bilabaysa shaqadi lo egmaday waxaana ugu horeeya in wasiiradi hore iyo kuwa cusub in ay xilalka kala tirsadan, Hadi aan la ansixin Xukuumada Raisalwasare Cabdiweli waxaa uu haysta mudo uu ku soo dhiso xukumad cusub oo tii hore ka duwan.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco wararkeena dambe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com