Top News: Nicholas Kay “Waa In Si Deg Deg Ah Xal Loogu Helo Soo Celinta Ciidamada Iyo Wareejinta Dekedda Iyo Garoonka Diyaaraddaha Kismaayo”.

0

N_Key_KismayoMuqdisho (AGGM): Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta soo dhaweeyay aasaaska golaha fulinta ee maamulka KMG ah ee Jubba. Laakiin waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka dhan laga wada qaybgaliyo.

Hadal qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska wakiilka ayaa loogu hambalyeeyay hoggaamiyaha maamulkaasi KMG ah Axmed Maxamed Madoobe caleemo saarka loo sameeyay maanta.

Laakiin waxa hadalkan ka soo baxay xafiiska Nicholas Kay hoosta looga xariiqay baahida in maamulka uu metelo dhammaan dadka saddexdaasi gobol, oo weliba si gaar ah loo eego ka qaybgalka haweenka.

Waxa uu ku ammaanay maamulka ka go’naanshaha dhaqangelinta heshiiskii Addis Abab ee bishii July 2013.

Nicholas Kay waxa uu ku boorriyay maamulka KMG ah ee Jubba ilaa hadda horumarka laga gaaray heshiiskaasi, laakiin arrimaha muhiimka ah ee taagan sida wareejinta maamulka dekedda iyo garoonka dayaaradaha ee Kismaayo iyo dib u soo celinta iyo inay dib la isku dhexgeliyo maliishiyooyinka waa in si deg deg ah arrintaasi xal loogu helo ayuu yiri Nicholas Kay.

Waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ka sii shaqeyn doonto fududeynta wada hadalka isla markaana ay ku yabooheyso taageero dhaqaale iyo farsamo dowladda federalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba hanaanka dhisintaanka gobolka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com