Dhageyso:Dagaal dhex maray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.

0

jlMuqdisho(AGGM): Ciidamada Milatariga Soomaalia oo kala ah Milatariga iyo Nabadsugid ayaa maanta ku dagaalamay Deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dagaalamay uu dagaal kooda yimid kadib Ciidamada Milatariga oo isbaaro ay u Tiilay Xaawo Cabdi ay Ciidamada Nabad sugida ay is ku dhaceen,kuwaas oo doonayey in ay Isbaarada Qaadaan.

Rasaas dhexe martay Labada Ciidan ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 Ruux oo Askari Ciidamada Isbaarada dhigtay uu ku jiro,waxaana intaa kadib Ciidamada Nabadsugida ay Qabteen 3 kamid ahaa Ciidamadii Isbaarada u Tiilay.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo Warbaahinta la hadlay.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com