Dhageyso: Xildhibaanad Saynab Maxamed ” Xukuumada Cusub Haweenka Soomaaliyeed Saamigoodi Lagama Siinin”.

0

Xildhibaanad Saynab CaamirMuqdisho (AGGM): Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Aya waxay sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in kaalinta dumar ay ku lahaayeen Xukuumada Cusub ee Soomaaliya meesha laga saaro waxayna intaasi ku dartay in Xukuumadii hore ee Saacid ay Haweenka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen Tixgelin iyo Jakooyin Muhiim ah.

Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir aya sidoo kale ugu baaqday in Haweenka Soomaaliyeed ay Codkooda ku sheegaan in Xuquuqdooda ku aadaneyd Xukuumada Cusub aysan helin, iyadoona ka raali gelisay Haweenkii codsiga u Gudbiyay Ra’isal Wasaaaraha Daka balse aan la tixgelin codsigooda.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com