Dhageyso: Madaxweyne Xasan “Tarsan Waa La Badalayaa, Mana Ahan Wax Kaligii Ku Kooban”.

0

XASAN SHEEKHMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay barnaamijka dood Wadaag oo ka baxay Telefeshinka universal Xaruntiisa Muqdisho ayaa ka hadlay arimo badan ka dib su’aalo furan oo bulshada goobta ku sugneyd ay weydiiyeen Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku hormaray wadooyinka xiran ee Magalaada Muqdisho, waxaana uu sheegay in iyaga oo ka fakiraya bad baadinta shacabka Soomaaliyeed iyo Ajaaniibta ku sugan Caasimada muqdisho ay xireen wadooyinkaasi. Balse la furayo marka ay Dowladu yeelato awood buuxda oo ay kaga hor tagi karaan falalka amni daro ee mararka qaar dhaca, waxa uuna intaasi ku daray in xeritaanka Wadooyinka ay keeneyso daruufo badan.

Madaxweyne Xasan Sheakh Maxameed ayaa waxa uu dhinaca kale ka hadlay iscasilaadii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maxamed Axmed Nuur Tarsan ee ku aadaneyd xilka loo Magacaabay ee ah wasiir ku xigeenka isboortiga iyo Dhalinyarada Xukuumada Cuusb ee uu dhawaan soo dhisay Ra’isal Wasaaraha Dalka waxaana uu sheegay in Tarsan uu yahay shaqsi wax badan u soo qabtay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed balse aaney jirin cid lagala dar daarmay oo la dhalatay xilka isbadalna loo baahan yahay,waxa uuna intaasi ku daray in Darajada Dowladnimada aysan ahayn in Qofka xil loo Magacaabay uu weligiisa haynaayo xilkaasi laakiin aan sidaas ahayn Xilkana ay tahay Meerto oo qof walbo is bedel lagu sameynaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com