Dhageyso:Faahfaahin Qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo

0

qaraxGaalkacyo(AGGM): Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeysa Qaraxyo Is Xig Xiga oo maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug.

Ilaa iyo Labo qarax oo ah Nuuca Miinada Ah ayaa waxaa ay ka dhaceen Magaalada Gaalkacyo Dhanka Waqooyiga Magaalada ee Maamulka Puntland.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Qaraxyada loo dhigay Ciidamada Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo Xili ay halkaasi marayeen.

Qaraxyada ayaa waxaa ku dhintay Labo Ruux oo mid kamid ah uu ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Amaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug.

waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 10 Ruux oo u badan Dad Shacab ah oo goobta ka ag Dhawaa sida ay noo sheegeen Dad Goob Joogeyaal ah.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Warbixin ku saabsan Qaraxyada ka dhacy Magaalada Gaalkacyo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com