Al-shabaab Oo Xalay Weeraray Saldhig Ku Yaala Magaalada Baledweyne.

0

AL SHABAAB11Baledweyne(AGG): Wararka laga Helaayo Magaalada Baledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya ayaa sheegaya in kooxda Falaagada ah ee Al Shabaab ay Xalay Weerareen Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaalia ay ku lee yihiin Duleedka Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay ilaa iyo Saddex Bam ay ku tuureen Saldhiga,halkaa oo ay ku dhaawacmeen Ciidamo katirsan Booliska Soomaalia.

Kooxda Weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa in ay Goobta ka baxsadeen sida ay noo sheegeen Dadka Deeganka ee Magaalada Baledweyne.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in Saaka ay wadaan Baaritaano Xoogan oo lagu Xaqiijinayo Amaanka ,laguna Baadi goobayo kooxda Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com