Dhageyso: Suldaan Cabdi Xuseen “Madaxweynaha Waa Madaxweyne Beeleed”.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Mid kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa dhaliil ujeediyay Dowladda Soomaaliya, waxaana uu ku dhaliilay in beesha uu kasoo jeedo loo balan qaaday inay helayso Wasiir balse lasiiyay wasiir kuxigeen aan beesha uqalmin.

Suldaan Cabdi Xuseen Cabdule oo kamid ah Odayaashii dhisay Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in Beesha uu kasoo jeedo marka hore loo sheegay inay helayso Wasiir laakiin looga baxay balantii oo wasiir kuxigeen aan beesha uqalmin lasiiyay.

Wuxuu sheegay in Beel waliba qofka umatalaya Dowladda ay xaq uleedahay in Beesha ay soo magacaabto laakiin uusan xaq ulaheyn Madaxweynaha inuu soo magacaabo Wasiir beel uga mid noqonaya.

Suldaan Cabdi Xuseen Cabdule, ayaa qeexay inuusan qaadan karin in Beesha uu kasoo jeedo in lagu tunto sida uu yiri,awood qeybsiga Dowladana uu yahay mid ku saleysan nidaamka 4.5.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in intii lasiin lahaa Wasiir kuxigeen ay wanaagsan tahay inay ka maqnaadaan Wasiirada dhan oo aysan helin waxba.

Magacaabista Golaha Wasiirada kadib waxaa soo badanaya dhaliisha loo jeedinayo qaabka Wasiirada loo magacaabay, iyadoo xubno kamid ah Wasiir kuxigeenada la magacaabay ay iska diideen xilalka loo magacaabayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com