Daawo: Universal TV Oo Dhulka Ku Jiiday Jawaari & Dawladda Federaalka Ah

0

Muqdisho(AGGM) Universal Tv oo diyaariyey barnaamij ku saabsan xaalada dalka soomaaliya ayaa si xun dhulka ugu jiiday gudoomiyaha baarlamaanka dawlada federaalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,waxaana Universal Tv ka sameeyey Robot qosol miiran ah.

Video-ga laga sameeyey dawlada federaalka ah ee Soomaliya ayaa xambaarsan siyaasada dhabta ah ee ka taagan dalka soomaaliya gaar ahaan gobolladda koonfureed ee Soomaaliya,waxaana diiradda lagu saaraya khilaafyada inta badan soo kala dhex gala Madaxda dalka soomaaliya.

Ugu dambeyntii Filmkan oo aan ku koobeyn Mudane Jawaari ayaa ah mid xiiso badan yeeshay isla markaasna ay daalacdeen in ka badan kumanaan ruux markii uu hawada soo galay,waxaan filmkan yahay mid wax badan ka iftiiminaya xaalada dalka soomaaliya xilligan ku sugan tahay.

Halkan Daawo Video-ga

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com