Xog Culus: Kismaayo Oo La Isku Hub Uruursanayo, Madoobe & Luga-dheere.

0

WarbixinKismaayo (AGGM): Tan iyo markii uu soo ifbaxay Khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa 2-aad C/qaadir Xaaji Maxamed ‘Luga-dheere’, ayaa waxaa faraha ka baxay ammaanka Kismaayo.

Maleeshiyaadkan ayaa waxa uu Axmed Madoobe doonayaa in uu isaga difaaco Weerar kasta oo uga yimaado dhinaca ku xogeenkiisa 2-aad Cabduqaadir Xaaji Maxamed ‘Luga-dheere, oo ay ku muransan yihiin Qeybsiga Awoodda Kismaayo iyo Golaha Wasiiradda Raaskambooni.

Luga Dheere, ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu Qiyaanay oo uu uga baxay Ballan ahaa in Beeshiisa ay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha wasiiradda Raaskambooni, balse uusan taas sameyn.

Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay Xiisadaha taagan iyo Amaanka faraha kasii baxaya ee ka jira Kismaayo.

Si kastaba, 20-ka Bishan ayaa lagu wado in la caleemo saaro Axmed Madoobe, sidoo kalena la dhaariyo Gole lagu sheegay inay yihiin Wasiirro Raaskambooni oo uu Khilaafkan ka taaganyahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com