Kenya”Al-shabaab ayaan Gacanta ku dhignay”

0

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay 6-dhalinyaro oo la sheegay in ay wadeen isku day ay ku doonaayen inay uga soo tilaaban soodinta ay wadagaan Somalia iyo Kenya si ay ugu biiraan Xarakada Al-shabab waa sida ay sheegtay wakaalada wararka Shiinaha ee Shinwaa.

Goobta laga qabtay dhalintaasi oo lagu magacaabo Kiunga ayaa 15-km waxa ay u jirtaa soodimaha ay wadagaan labada dal.

Taliyaha booliska Lamu Samson Obara ayaa sheegay in warbixino ay ka heleen sirdoonkooda ay u suurta galisay in dhalintaasi gacanta lagu dhigo iyagoo ku safraayey gaari kasoo amba baxay magaala xeebedka Mombasa ee dalkaasi Kenya.

“waxa ay doonayeen in si dhuumalaysi ah ay ku galaan Somalia si ay ugu biraan Al-shabab,gacanta ayaan kusoo dhignay waxaa hada ku socda su’aalo weydiin” sidaasi waxa warbaahinta u sheegay Samson Obara.

Obara ayaa u sheegay Xinhua in dhalintaasi ku xiran xarunta boolisks Lamu ay da’dooda u dhaxeyso 16 ilaa iyo 18 sano jir waxana lixdaasi magacyadooda lagu sheegay Faraj Fahim Swaleh, Tawfiq Swaleh, Nabil Mohammed Lali, Fara Abdi Kassim iyo Mohammed Abdalla.

Tan iyo markii ay ciidamada Kenya ay soo galeen sanadii 2011-kii gudaha Somalia waxa sii kordhaayey xoojinta amaanka dalka Kenye gaar ahaan soodinta ay wadaagan Kenya iyo Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com