Dhageyso: Xildhibaan Maxamed Goodir “Xukuumada La Soo Dhisay Waxaan U Fadhinaa Xarunta Baarlamaanka”.

0

kulankii-baarlamaanka-91Muqdisho (AGGM):Ayadoo lagu dhawaaqay gulihii wasiirada muradan ka taagnaa ayaa iminka soo baxaya mudanayaal ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo si xoogan uga soo horjeedaan wasiirada la soo xuley.

Mudane ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ayaa afka ku adkeeyay inay ansixin doonin wasiirada uu soo magacaabey Raysulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaan Maxamed Goodir ayaa sheegay in xukuumaddu ay u baahan tahay cod loo qaado isla markaana aanay siin doonin oo ay sharciga u hoggaansamayaan sida uu sheegay.

Isku soo wada duuboo wasiirada la soo xuley ayaa la horgeyn doona mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya si ay u siiyaan codka halsoonida amaba ay u diidaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com