Dhageyso: Cabdiwali Gaas “Dowladda Federaalka Waan Kula Xisaabtami Doonaa $1-kii Milyan Ee Ay Ballan Qaaday”.

0

Gaas7Garoowe (AGGM): Madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulku dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka sugayo lacag dhan $1 Milyan dollar oo ay ballan qaaday xilligii dufaantu ku dhufutay meelo ka mid ah Puntland sanadkii tegay ee 2013.

Gaas, wuxuu xusay inay kula xisaabtami doonaan madaxda dowladda dhexe halka milyan ee ay u ballan-qaadeen qoysaska cayroobay, wuxuuna sheegay wixii la ballan-qaaday inay xilligan ay u baahan yihiin dadka dhibaateysan.

“Dowladda faderaalka waxay horray u ballan-qaaday inay hal milyan oo doollar ay soo dirayso Puntland si loo caawiyo dadkii ay dhibaatadu kasoo gartay roobabkii da’ay, balse wali ballan-qaadka lagama hayo” ayuu yiri madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

“Waxaana u sheegeynaa inaan kula xisaabtami doonno balanta ay qaadeen maadaama xilligan la jooga waqtigii ay dadkaan u bahnaayeen caawin iyo dib u dajin,” ayuu sidoo kale yiri C/wali Gaas.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo Madaxweynihii hore Cabdiraxman Maxamad Farole ayaa saaka shalay u ambabaxey degaanada gobolka Nugal halkaasoo xoolo loogu qaybinayey dadkii dhowaan ay dhufatey dufaanta iyo roobabka ee xooluhu ka dhamaadeen.

Gaas ayaa hadalka uu sheegay ka jeediyey goob 10 kun oo neef loogu qeybinayey dadkii dhowaan ku cayroobey roobaabkii gobolka Nugaal.

Madaxweynhii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo horey uga qaybgaley munaasabad tan lamid ah taasoo dadkaas loogu qaybiyey 16000 neef, iyadoo lacagta lagu gaday xoolahaas ay soo uruuriyeen dadka Soomaaliyeed oo ku kala sugan meelo kala duwan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com