Dhageyso: Odayaasha Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Madaxweyne Xasan Oo Kulan Yeeshay.

0

Villa-SomaliaMuqdisho (AGGM): Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Seddax Oday dhaqameed oo laga soo diray magaalada Baydhaba si madaxda dowladda uga dhaadhiciyaan maamulka K/galbeed ee Soomaaliya.

Odayaashaan ayaa waxay kulamo saacado badan qaatay la yeesheen madaxda dowladda, laakiinse waxa ay heli waayeen in lagu taageero maamulkaasi hadii uu Seddax gobal loo dhisaayo.

Waxaa loo sheegay kaliya in la taageeri doono maamulka K/galbeed, hadii loo dhisaayo Seddax gobal, meeshana laga saaraayo gobalada kala ah Jubooyinka iyo Gedo.

Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in markii aragtidaasi si dadban loogu sheegay in iyaguna go’aan ku gaareen in marka hore ay dib ugu laabtaan dadkii soo dirsaday.

Isku soo wada duuboo Malaaqa ayaa sheegay in maamulkaan dhismihiisa ka socda magaalada Baydhaba la dhameestiri doono, islamarkaana hanaanka dhismihiisa loo maraayo qaab sharciga waafaqsan, Sidoo kale Wuxuu Sheegay Inaysa Aqoonsiga Cidna ka Baryayn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com