Dhageyso: Siyaasi Cali Maxamed “Wasiirada la magacaabay waa kuwo Fashilan”.

0

nMuqdisho(AGGM): Xili Xalay Raisul Wasaaraha Soomaalia C/wali Sh. Axmed uu ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada Cusub ayaa waxaa ka hadlay Bulshada Ku nool Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Siyaasiinta Falanqeeya Arimaha Siyaasada Dalka Soomaalia ayaa Sheegay in Wasiiradaan Tirada Badan aysan wax soo siyaadin doonin islamrkaana ay yihiin kuwo u muuqanaya in ay Guul dareysanayaan oo aan Seddex Bil gaari doonin.

Siyaasi Cali Max’ed Axmed Cali Daacuun oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya Siinayey Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa sheegay in Wasiirada Tirada badan aysan waxba soo Siyaadin karin,waxaa uu intaa ku daray in si doo kale Wasiiradaan ay yihiin kuwo aan ka Imaan Maskaxda R/wasaaraha Soomaali Mudane C/wali Sh Axmed oo uu fikarka la haa Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha Soomaalia.

Cali Daacuun oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay in ay Adag tahay in Baarlamaanka Soomaalia ay Codka siiyaan doonin Wasiiradaan aan Xulitaankooda aan laga Fakarin.

Halkaan hoose ka dhageeyso Wareeysiga Cali Max’ed Axmed oo Allgalgaduud Media u Waramay

http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2014/01/Cali-Daacuun.mp3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com