Top News: Kala Iibsashada Dadka Magaalada Kismaayo Oo Maraysa 3000 Oo Doolar.

0

Gen-DarwiishKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maxaabiista ku xiran xabsiyada magaaladaasi soo deeyntooda lagu kala iibsado lacag gaareeysa 3000 oo doolarka Mareykanka ah.

Xabsiga ugu daran ee dadka lagu kala iibsado ee ku yaala magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah Xabsiga ku dhexyaal Sarta K2 kaas oo laga qaato maxbuuskiiba aduun dhan $3000 oo doolarka Mareykanka ah.

Xabsiga K2 dadka ku xiran ayaa u badan dadka dadkoodu dibadaha ku maqan yihiin iyo ganacsato sicirka laga qaatana waa sicir go’an oo aan lahay gor gortan.

Warbaahinta Allgalgaduud Media oo xiriir la sameeysay goobjoogeyaal kala duwan oo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay u sheegeen in dadka laga qaado laba sicir oo kala duwan iyadoo inta aan qofka la soo xirin la sahminayo in dad u maqan yahay amaba uu heeysto dhaqaale uu isku furdaamin karo markii intaa la ogaado ka dib ayaa qofka la soo qabanayaa loona taxaabayaa Xabsiga K2 amaba xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Dadka lagu xiro xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogeyaashan ku sugan magaalada Kismaayo waxaa laga qaadaa lacag dhan $ 1000 doolar waana laga gor gortami karaa, halka kuwa lagu xiro xabsiga k2-na laga qaado $ 3000 oo doolar mana laga gor gortami karo.

Mar aanu weeydiinay goobjoogeyaashan yaa qaata lacagahaas ayaa waxa ay inoogu jawaabeen “lacagaha laga qaado maxaabiista sida aan la socono waxaa qeybsada horjoogeyaasha maleeshiyada Raaskambooni, waloow la lahaa inteeda badan waxaa loo geeyaa ninka lagu magacaabo Gen. Maxamed Warsame Darwiish (Gen. Darwiish) oo isagaa madax u ah kooxdan ka qaata maxaabiista lacagta”. waa sida ay hadalka u dhigeen’e.

Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa horay u soo qabtay xilka Taliyihi Ciidamada Nabadsugida ee dwoladdi KMG ahayd ee uu hogaaminayay AUN’e C/llaahi Yuusuf Axmed waxaana sidan oo kale horey loogu eedeeyay in uu maxaabiista ku xiran Xabsiyada magaalada Muqdisho ka qaadan jiray si loo sii daayo lacag gaareeysa $5000 oo doolar, sidoo kale General Darwiish ayaa waxaa horey loogu soo eedeeyay inuu maxaabiista jirdil u geeysan jiray ku xiran xabsiyada Nabad Sugida ee magaalada Muqdisho.

Halkan guji ka daawo eedeeynti hore.

Isku soo wada duuboo waxaa isa soo taraya eedeeymaha loo jeedinayo horjoogeyaasha iyo Maleeshiyo beeleedkooda Raaskambooni mana ay jiraan cid wax ka qabata tacadiyada ay u geesanayaan dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Kismaayo, waloow dadka rayidka ah ee magaalada Kismaayo ay isku qanciyaan “wax walba dhamaad ayay leeyihiin, waa ay dhamaan doontaa tan”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com