Top News: Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Ceel-waaq Oo Dib Ugu Soo Laabtay Maglaadaas.

0

DSCF2005Ceelwaaq (AGGM): Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa Dib ugu laabtay Gudaha Degmadaasi ka dib markii ay mudo bil ku dhow socdaalo nabadeyn ah kusoo kala baxshay Degmooyin iyo Degaano ka tirsan Gobalka Gedo qaybtiisa Waqooyi.

Khilaaf la hal maala arimaha siyaasada oo kal hore ka dhex aloosmay maamulada Degmooyinka B/xaawo iyo Doolow islamarkaana uu ka dhashay gacan ka hadal dhiig ku daatay ayaa Gudoomiye-ku xigeenkani waxaa uu qayb ka ahaa masuuliyiin iyo madax halkaasi u gaartey xalinta Khilaafaadkaasi.

Faarax Macalin Gudoomiye ku xigeenka Degmada Ceelwaaq ayaa shabakada Allgalgaduud u sheegay in haatan ay soo afjareen qilaafaadkaasi Allana ay kaga mahad celinayaan fulinta heshiiskaasi.

Wafdigan iyo xubnihiisa uu hogaaminayo G/xigeenka degmada Ceel-waaq ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay markii ay gaareen Magaalada Ceel-waaq oo ku taala Cirifka Koofur galbeed ee Soomaaliya, ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Fadaraalka iyo dadweyne aad u badan ayaa kaga hortagey afaafka hore ee magaaladaasi.

Guud ahaan markii la isku soo wada xoorsho Faarax Macalin Gudoomiye ku xigeenka  Degmada Ceelwaaq oo dhawaan xilkan qabtey ayaa dadka deegaanku ka dhowrayaan inuu soo kordhiyo horumar la taaban karo xili degmadaasi ay haatan dadkeedu baahi badan u qabaan Horumarinta Caafimaadka, midka wax-barashada iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com