Top News: Eedeysaneyaashi Weerarkii Westgate Oo Lagu Maxkamadeynayo Magaalada Nairobi.

0

West Gate 4Nairobi (AGGM): Afar dhalinyarro Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay gacan taageero u fidiyeen kooxihii weerarka ku qaaday dhismaha ganacsiga Westgate Mall ,ayaa maanta maxkamadeentodu waxaa ay ka bilaabatay dalka Kenya.

Dhalinyarrada Soomaalida ah ayaa waxaa lagu heystaan in ay caawiyeen ama degnaasho siiyeen raggii weerarka ku qaaday dhismaha ganacsiga Westgate bishii September ee sanadkii ina dhaafay.

Afartan nin oo lagu kala magacaabo, Adan Mohamed Abdikadir, Mohamed Ahmed Abdi, Liban Abdullahi Omar iyo Hussein Hassan Mustafa ayaa iska fogeeyey danbiyadii lagu soo eedeeyey.

Waxaa maxkamada laga hor aqriyay magacyada laba nin oo la rumeysan yahay in ay ka mid ahaayeen raggii weerarkaasi geystey kuwaasoo lagu kala sheegey Mohamed Abdinur Said iyo Hassan Abdi dhuxulow oo la sheegey in uu muddo ku noolaa dalka Norway.

Dhalinyarradan Soomaalida ah ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee maxkamad loo soo taago ku lug lahaashaha weerarkii ka dhacay xarunta Westgate oo ay ku dhinteen dad ka badan 67 ruux, laakiin dhalinyarradu waa ay beeniyeen in ay ku lug lahaayeen eedeymaha loo heysto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com