Top News: Beelo Hub Ka Dhigis Lagu Sameeyay Deegaanka Xananbuure Ee Gobolka Galguduud.

0

top-newsDhuusamareeb (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka gobolka Galgaduud ayaa ku guulaystay in uu hub ka dhigis ku sameeyo labo maleeshiyo beeleed oo dhowaan ay shaqaaqo ku dhex martay deegaanka Xananbuure ee gobolkaas.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in in ka badan boqol qori ay ka qaadeen maaleeshiyo beeleedyo isku hor fadhiyay Xananbuure.

Geeda-qorow ayaa xusay in ay arrintan ka qeyb qaateen maamulka gobolka Galgaduud, kan degmada Dhuusamarreeb, maamulka deegaanka Xananbuure, odayaasha dhaqanka, culimada iyo beelihii ay dhibaatadu ka dhex taagnayd.

Wuxuu u soo jeediyay dadka deegaanka in ay ka hor tagaan wax kasta oo qalqal gelin kara ammaanka gobolka.

Dhowaan ayaa deegaanka Xananbuure ee gobalka Galgaduud waxaa lagu dilay labo qof oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com