Ma Lagu Raystay Mise Way Nooga Dartay? W/Q:Abdi Iligay

0

maqaalShirweynahii lagu soo dhisay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hataan jirta, waxeey shacabka Soomaaliyeed u arkayeen in ay tahay midtii ka saari lahyed xaalada adage e dalka uu soo maray, maxaa yeelay waxaa hogaanka siyaasada ee dalka ku soo baxay rag loo arkay in ay yihiin kuwii ku haboona waa markii la dooratay gudoomiyah golaha shacabka ee federlaka Somaliya mudane Jawaari oo ahaa ragii lagu tirinaya in uu ahaa siyaasi rug cadaa ah, September 10, 2012 waxaa la doortay madaxweyna Xassan Shiikh Mohamud oo ka mid ahaa aqoonyahanadii dalka wax badan ka soo shaqeeyay, wax badana ka ogaa daruufaha adage e ay ku noolayen Somalida, la soo daalo dhacaysay dagaalo, dhimasho, dhawac, barakac, abaaro iyo fatahaado.

Shacabka Somaliyeed meel kasta oo ay joogen waxaay si weyn u soo dhaweyn dowlada Federaalka Soamliaya, waxaa sidoo kale soo dhaweeyay beesha caalamka oo uu ugu horeeyay USA, Uk iyo dalakale oo badan. Waxaa durbadiiba adunka bilaabay in dalka soomaliaya loo sameeyo barnaamij dhaqaale arruurin ee dib u dhis lagu sameeynayo somaliya.

Mudo gaaban gudaheeda waxaa soo shaacbaxaday musuq maasuq iyo isdaba marin lagu sameeyay dhaqaalahii yaraa ee dowladu heshay sida ku cad warbixninta United Nations Monitoring Group http://www.un.org/sc/committees/751/mongroup.shtml. Waxaa fadeexo ku noqotay dowlada FS markii ay shaqada iska casishay Gudoomiyihii Baanka Dhexe ee DF Somalia Yusur Abrar markii ay cadaas iyo hajabaad kala kulanatay xafiiska madaxweyha DFS Xassan Sh. Mohmaud http://raadreeb.com/somali-news/yusur-abrarmarkii-la-ii-hanjabay-ayaan-is-casilay/.

Mudo lix bilood gudaheda waxaa abuurmay murankii iyo is qabqabsigii lagu yiqiinay dowladahii hore ee KM somaliya, Madaxweyne Xasan Sh. Mohamud wuxuu u soo jeediayay in uu is casilo R/wasare Abdi Farah Shirdon (Saacid), ka dib markii la isla fahmi wayay qaabka ay noqon doonto golaha wasiirada cusub ee uu soo magaacbi lahaa R/wasare Saacid, taas oo keenatay in ay hakad gasho shaqooyinkii laga rabay dowlada in ay qabto, muran iyo isqabsi tiri badan oo ka dhax dhashay xukuumadii jiratay sida xubnaha golaha shacabka, golahii wasiirada iyo madaxtooyada.

Isqab qabsigaas oo socoday mudo 3 bilooda ah ka dib waxaa la magacaabay R/wasare cusub Dr. Abdiweli Sh. Ahmed Mohamed, Dr. Abdiweli waxaa u surto geli weysyay asagana in uu soo magacabo golahiisa wasirda taas oo uu kala kulamay caqabad tii Dr. Saacid oo kale, waxaa meesha ku lunatay mudo bil kale. Weli ma cada in xili dhaw dalka uu heli doono golo wasiiro shaqeeya.

Waxaa dib u dhac weyn ku yimid hanaankii iyo qorshahii la rabay in dalka la gaarsiyo dowlad wanaag iyo maamulo dadku leeyahiin oo ahayed riyadii lagu dooratay dowladan. Waxaad mooda in dowaldu ay ku mashquushay is qab qabsi iyo in hotelada Moagadishu laga dhax doodo.

Waxaa lumay oo hagad galay
Maamuladii gobolada iyo degmoyinka la rabay in la dhiso, sida Hiiran, Shabelaha Hoose, Shabelaha Dhere, Bay iyo Bakol, maamulkii Juba iyo gobaolka galgaduud.
Waxa goboladii ka bilaamay dagaalo sokeye ooh ore looga gudbay.
Waxaa soo laabatay isbaaroyinkii horey wax looga qabatay.
Waxaa lunatay mudo 4 bilood ah la xisaabtan dowladeed taas oo laga dareemayo in biliaqo xoogan lagu hayo dakhliga dowalda dhexe.

Hadaba marka aad firiso rajadii shacabka Somaliyed iyo midii caalamka uu ka qabay in dalka loo helo hanan ka saari kara dowlad la’aanta Somalia, soo noqon ay meyso markaasi “ Laguma reysan ee waa nooga dartay dowladii federaalka!!”

W/Q:Abdi Iligay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com