Dhageyso:Gabar 14-jir ah oo lagu qasbay inay guursato nin 44-jir ah

0

sfBairut (AGGM): Gabar 14 jir ah oo kamid ah Qoxootiga Siiriyaanka ah ee u qaxay dalka Lubnaan ayaa si aanay jecleysan loogu guuriyay nin 44 sano jir ah kadib markii ay bixin waayeen kirada Guriga ay daganaayeen islamarkaana ninka Guriga leh uu codsaday inay noqoto Xaaskiisa Labaad

Gabdhan oo la yiraahdo Xaniifa ayaa kasoo muuqatay Tv-ga Al-jazeera iyadoo ooyneysa waxaanay muujisay sida ay isugu qasabtay ninka odayga ah iyadoo badbaaineysa Nolosha Qoyskeeda.

Xaniifa waxa ay tiri”ma laheyn dooq anigu ma dooneyn inaan nikaasi guursado balse hadii aan sidaasi sameyn lahaa qoyskeyga halkan ma daganaan laheyn ”

dadka u dhshay Dalka Siiriya dhaqan uma lahan in Da’da 14 jirka gabdhaha ay ku guursadaan waxaana la sheegayaa  Xaniifa inaysan gaarin waqtiga guurgalka ee dadka Siiriya

Wadanka Lubnaan ayaa martigaliyay 1-Million oo Qoxooti Siiriyaan ah oo qoyska Xaniifa ay kamid yihiin  mana u diiwaangashna  Hay’adaha QM taasi oo keentay inay kiro ku dagaan Guiryo sigaar ah loo leeyahay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com