Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadii Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Faransiska ee Soomalia u fadhin doona

0

59Muqdisho, 15 January 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Fransiiska H.E. Remi Marechaux. Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam ayaa goob joog aheyd.

Safiirka Fransiiska ayaa markii uu u gudbinayey waraaqihiisa aqoonsiga sheegey inuu Madaxweynaha Fransiiska Francois Hollande u soo magacaabay xilkan isla markaana uu u sido fariin uu ka wado madaxweynaha Fransiiska. Safiirka ayaa u sheegey madaxweynaha in dowladda Fransiiska ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka qotada dheer ee labada dal iyo sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa.

Madaxweynaha ayaa yiri “Booqashadaada maanta waxey calaamad u tahay horumarka ballaaran ee Soomaaliya ku tallaabsatay. Waana ka mahadcelineynaa sida Fransiiska ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya ka taageeraan dhanka amniga, xasilinta iyo maalgashiga.

 

“Fransiiska waa dal xadaarad leh oo maanta doonaya inuu maalgashi ku sameeyo Soomaaliya si loo horumariyo ganacsida iyo kheyraadka dalka. Waxaan kaloo ka mahadcelineynaa dadaalka Fransiiska uu ku doonayo inuu kor u qaado nidaamka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in wadahadaladaas ay noqdaan kuwo miro dhala.”

Safiirka Fransiiska ayaa sheegay inay Madaxweynaha ku casuumi doonaan dalka Fransiiska si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo. Kulanka ka dib ayaa Safiirka Fransiiska iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda ay shir jaraa’id ku wada qabteen Xarunta Madaxtooyada Muqdisho.

ENDS

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
Office of the President of the Federal
Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so
2:engabdirahman@gmail.com
Twitter: @thevillasomalia; @engyarisow
Facebook: Eng. Yarisow

IshaKu Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com