Digniin Ku Socota Wahaabiyiinta Dulaanka Ku Ah Nabadda Iyo Horumarka Magaalada Caabudwaaq.

0

qatarSida aad la wada socotaan dhawaanahan waxaa magaalada Caabudwaaq ka dhacayay shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawac, balse halka dadku wax ka eegayaan arrintu waa ay ka fog tahay xaqiiqaduna waxay tahay in lagu soo duulay deegaanadan.

Wararka aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in Wahaabiyiinta ka soo jeeda Waqooyiga Galguduud ee kal hore laga kala eryay Magaalooyinka waaweyn sida Caabudwaaq, Balanbale iyo Dhabad waqtigan xaadirka ah inay si wanaagsan uga shaqeesanayaan magaalada Caabudwaaq iyagoo huwan shaarar qabiil.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in qorshahoodu yahay in leeyska horkeeno beelaha wada dhashay ee dagan deegaanada Waqooyiga Galguduud si ay Wahaabiyiintu uga fushadaan danahooda, sida aad la socotaana magaalaooyinkan waxa ay noqdeen caqabada hortaagan danaha Wahaabiyiinta inay ka fulaan gobolka Galgduud.

Sidaa awgeed waxaan baaq iyo digniin u direynaa Gudoomiyeyaasha Maamulada magaaloyinkaa, Odoyaasha dhaqanka, Aqoonyahanada iyo dhamaan qeeybaha kale ee bulshada dagan waqooyiga Galguduud, Walaaleyaal waa inaad ka foojignaataan dabinada Wahaabiyada kal hore laga eryay deegaanadaas ay idiin maleegayaan, dhib walba oo ka dhacay deegaankana waa in aad si deg deg ah u xalisaan amaba meel u saartaan si aan gabaad Wahaabiyada uga soo dhigan.

Xaqiiqdu waxa ay tahay waa leeydinku soo duulay, halka aad wax ka eegaysaana arrinku majiro dadkan waa dad wada dhashay wax walba oo dhexdooda ka dhacana makala tagayaan ee ka heshiiya oo fahma dagaalka ka weeyn ee leeydinku hayo iyo cida wada.

Waxaan sidoo kale digniin kama dambeys ah u direynaa kooxdan tirada yar ee Wahaabiyad ah sida wanaagsana aanu isu garanayno ee jooga Qurbaha waa in aad faraha kala baxdaan waxa aad waqtigan xaadirka ah faraha kula jirtaan ee ah hurinta colaado sokeeye oo ka dhaca deegaanada waqooyiga Galguduud, haddii aydnaan joojin hurinta fidnadana yaan waxba yaan lagu cataabin waa nala xiray, waa nala dilay, waa nala xirayaa iwm, runtaanu idiin sheegaynaa waa leeydin xirayaa weliba hadii gacanta la idinku dhigo markan dib dambe leeydiin arki maayo.

Ugu Dambeynti marnaba waa waxaan caqliga bini’aadamka galeeyn in boqolaal kun oo qof Nabad, Horumar iyo Nolol La’aan la dhigo runtaanu idiin sheegaynaa intay taasi dhici lahayd waxaan doorbidaynaa in 15-ka Wahaabiyiinta ah ee ka dambeeya fidnadan inay dhumaan oo la waayo, waxaana rajenaynaa luqadaan ku hadlayno in si wanaagsan qofki caqli iyo garasho lihi u fahmi karo.

Sayid Cabdi Xuseen
Nairobi, Kenya

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com