Dhageyso: Ciidamo watay Hub sharci daro ah oo Xamar-weyne lagu Qabtay

0

Maleeshiyo-hubeysan-618x366Muqdisho(AGGM): Taliyaha Saldhiga Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamada degmada Xamar-weyne ay gacanta ku dhigeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaalia oo Hub Sharci daro ah ku dhex Wata Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Cismaan Max’ed Ibraahin ayaa sheegay in Ciidamada Degmada Xamrweyne ay soo qabteen Ciidamo iskugu jira Boolis Nabadsugid iyo Milatari kuwaas oo Hub Sharci daro ah Degmada Dhaxdeeda Hubka ku dhaxe wata.

Waxaa Taliyaha Sidoo kale uu sheegay in ragaasi Lagu qabtay Hubka ay ku xiran yihiin Saldhiga Ciidamada Ee Degmada Xamar-weyne.

Dhawaan ayey aheeyd markii Howlgalo ka dhan ah Hubka Sharci darada ah laga Bilaabay Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga..

 

 

Talyaha xamar weyne