Top News: Soomaalida Australia Oo Sare u Qaaday Taageerada Dr. Gaas

0

Gaas_8-January_2014PERTH, Australia – Waxaa isasoo taraya dhambaalada hambalyada ah ee lagusoo dhawaynayo Madaxweynaha Cusub ee Maamul-Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas), kaasi oo 5-ta sano ee soo socota Hogaamin doona Puntland.

Dadweyne aad u fara badan oo isugu jiray aqoonyahano, waxgarad, dhallinyaro, haween iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Ururada Bulshada ee Jaaliyadda Soomaalida Australia, ayaa codkooda ku biiriyey dhambaalada hambalyada ah ee sida isdaba-joogga ah loogu dirayo Dr. Gaas, iyagoona kula taliyey inay wada-shaqeyn dhab ah yeeshaan Xukuumadda R/wasaaraha Somalia uu soo dhisi doono maalmaha dhow.

Gudoomiyaha guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia Mudane Xasan Maxamed Cigaal (Xasan Dhoombe) waxaana Gudoomiyuhu isagoo ku hadlayey dhammaan magaca Jaaliyadda uu carabka ku dhuftay inay si kal iyo laab ah usoo dhawaynayaan Dr. Gaas iyo ku-xigeenkiisa Mudane Cameey, waxaana uu ugu baaqay inay si sinaan iyo cadaalad ah ku maamulaan guud ahaan deegaanada uu Maamulka Puntland ka arimiyo, si Puntland ay u noqoto Dowlad-Gobaleed indhaha u furta qeybaha kale ee dalka Somalia.

Sidoo kale Cali Yuusuf Aadan (Cali Rinji) ahna Ugaaska guud ee Jaaliyadda, ayaa isna u riyaaqay M/weynaha cusub ee Puntland, islamarkaana ay muhiimaddu tahay buu yiri in Maamulku ka shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa xiriiro wanaagsan oo ay la wadaagaan Dowladda Jamhuuriyadda Somalia iyo gobalada kale ee la jaarka ah.

Dr. C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ka mid ahaa R/wasaarayaashii ugu caansanaa ee soo mara Somalia, ayaa doorasho Arbacadii 8-Janaayo 2014 ka dhacday Garoowe, waxa uu kaga guulaystay Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, waxaana xusid mudan iyo dal iyo dibadba meel kasta oo ay Soomaali joogto si aad ah loogasoo dhaweeyey xilka uu heley Dr. Gaas.

C/risaaq Indhajaceyl
Email : Daauus1@gmail.com
Cell : +27783420920

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com