Sarkaal u Shaqeeya Hay’ada DBG oo Muqdisho lagu dhaawacay

0

dbg3Muqdisho(AGGM): Koox Hubeeysan ayaa Xalay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dhaawacay Sarkaal u
shaqeeya Hay’ada Daryeel Bulsha Guud oo ah Hay’ad ka shaqeeysa arimaha Bini aadan tinimada.

Waxaana sargaalkaan lagu Magacaabaa Sadiiq Macalin Axmed,ayadoona Falka Dhaaqacaa loogu Geystay Degmada Hodan Gaar ahaan Masaajidka Shiekh Cali Suufi.

Waxaa La sheegay in Sargaalka uu ka soo Baxay Masjidka Sh.Cali Suufi ayadoona Koox Hubeeysan oo Bastoolado watay ay Weerarka Ku soo qaadeen.

Sadiiq Maclin ayaa waxaa dhaawaciisa la dhigay Isbitaal ku yaala Magaalada muqdisho oo Xaaladiisa Caafimaad lagu Dabiibayo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com