Top News: Madaxtooyada Boosaaso oo Hub lagala baxay.

0

madaxtooyada boosaasoBoosaaso(AGGM): Ciidamo ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntlnd C/rixmaan Sh Max’ed Faroole ayaa Xoog ku galay Xaruunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso,waxaana ay qaateen Hub yiilay Madaxtooyada Boosaaso.

Ciidamo Wata Gaadiid dagaal ayaa la sheegay in ay Gudaha u Galeen Xaruunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso waxaana ay Goobtaas ka Qaateeen Hub aad u Farabadan oo la sheegay in uu yiilay Magaalada Boosaaso.

Xariir aan la Sameyenay maamulka Puntland ayaa sheegay in Ciidamada maamulka Puntland gaar ahaan kuwa ka maraqaata Faroole ay Rrateen Hub yiilay Magaalada Boosaaso,madaxtooyadooda halkaasna ay ka rarteen Hubkii.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali  Cali Gaas ayaa sheegay in ay jiraan dad Doonaya in ay Dhacaan Hantida Dowligaa ee Deeganada Maamulka Puntland.

Waxii ku soo kor dha kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com