Dhageyso: Cuduro Aan La Aqoon Oo Ka Dilaacay Degmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubbada Hoose.

0

cuduroBadhaadhe (AGGM): Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Gobalka Jubadda hoose cuduro aan la aqoon ayaa ka dilaacay Degmada Badhaadhe iyo deeganada ku xeeran.

Faarax Haybe Xaaji Guddoomiyaha Badhaadhe oo u waramay Warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in cuduradaan ay yihiin kuwa dadka iyo xoolaha si iskumid ah u haayo, isaga oo sheegay in ilaa hada lagaran la’yahay waxa ay yihiin.

Wuxuu xusay in cuduradaan ay ka dhasheen roobabkii dhawaan ka da’ay deegaano ka tirsan Gobalka Jubadda hoose.

Dad ugeeriyooday ayuu sheegay cuduradaan, balse ma uusan cadeyn tirada rasmiga ah ee dadkaasi.

Deeganada hoostaga Degmada Badhaadhe ee Gobalka Jubadda hoose, ayaa waxaa iminka dadka la liitaan cuduradaasi.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Gudoomiyaha degmada

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com