Top News: Cabdiwali Gaas Oo Laga Taageeray Magaalada Gaalkacyo.

0

BanaabaxGaalkacyo (AGGM): Dibadbax lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ay soo qaban qaabiyeen dadka soo barakacay iyo kuwa danyarta ah ayaa maanta lagu qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyo xarunta gobolka Mudug.

Dadka oo isugu soo baxay waddooyinka magaalada ayaa Madaxweynaha cusub ka codsaday inuu wax ka beddelo xaaladda ay ku nool yihiin dadka danyarta ah.

Cabdi Madoobe oo ka mid ah dadka isku soo baxay ayaa Bar-kulan u sheegay inay taageersan yihiin madaxweyne Cabdiweli, ayna ka rajeynayaan inuu wax u qabto.

Siddeedii bishan Janaayo ayaa Cabdiweli Maxamed Cali loo doortay inuu noqdo madaxweynaha hoggaamin doona maamulka Puntland shanta sano ee soo socota.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com