Maqaal: Raisul Wasarahu Daah Badanaa. W/Q. Mohamed Shaafici

0

Cabdiwali SheekhMaalinimo Khamiis ah 12kii bishii December ee Sandkii Tagay 2013 ayey aheyd markii Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu Ku dhawaaqay wasiirka koowaad ee dolwada federaalka soomaaliya oo loo igmaday Mudane Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed oo uu madaxweynuhu sheegay inuu kusoo xushay kartidiisa iyo inuu kasaari karo marxalada adage e uu dalku kujiro .

Maalmo kadib 21kii isla bishii December Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Raisul Wasaraha ku ansixiyay Cod aqlabiyad ah oo aan horay loo arag ka gadaal markii uu khudbad soo jiidasho laheyd kajeediyay xildhibaanada hortooda.

Raisul Wasaraha ayaa sida dastuurku qeexaayo wuxuu haystaa Mudo sodon cisho Gudahood ah inuu kusoo dhiso golaha xukuumadiisa kamid noqonaayo waxaana sida muuqato fursadii bisha aheyd kaga harsan labo maalin oo Qudha , waxaana laga war dhowrayaa inuu soo dhiso xukuumad tayo leh tiro ahaane kabadan tii hore oo uu horkacayay Mudane “Cabdi faarax Shirdoon” sida uu isaguba horay u balanqaaday Raisul Wasare Sheikh .

Sida lagu baahiyay Qaar kamid ah mareegaha Wararka Fidiya Waxaa isa soo taraayo wararka sheegaayo in Raisul Wasaraha uu faragalin ku aadan soo xulista Xukuumadiisa kala kulmaayo Dhinacyo kala duwan oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xasan Sheikh oo isagu damacsan in xer ku fakar ah ey kasoo dhex muuqdaan Golaha Xukuumada ee uu Dhawaan soo dhisaayo Raisul Wasare Cabdiweli Sheikh Axmed .sidoo kale Mareegaaha Qaar ayaaba Shaaciyay liis ey ku sheegeen inuu yahay mid diyaarsan inta badane ey ka dhexmuuqdeen xukumadii kalsoonida lagala laabtay balse majiro war xaqiijinaayo arinkaasi .

Macada in Raisul Wasaruhu Aqbalay soo jeedinta Madaxweynaha ee ku aadan Xubno uu isagu wato iney Golaha Fulinta ka soo dhex-muuqdaan iyo in kale, balse warar hoose oo soobaxay saacadii u danbeeyey ayaa sheegaya in uu jiro is haysasho wali ka dhex taagan labada xafiis ee madaxweynaha iyo Wasiirka koowaad Mudane Cabdiweli .

Lama saadaalin karo xunbaha kasoo laabaanaayo Xukuumadii uu baarlamaanka kalsoonida kala laabtay balse wararka la isla dhexmaraayo ayaa sheegaya in la rumeysanyahay iney soo laabanayaan xubno ey kamid yihiin Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Kusimaha Wasiirka Arimaha Gudaha,faarax Cabduqaadir Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Damjadiid ahaane wasiiru Dowlihii Madaxtooyada,Maxamed Nuur gacal Wasiiru Dolwihii Wasaarada Arimaha Dibada ,Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi “dheere” wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhiga iyo Cabdi Shakuur Cali Mire Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaarada warfaafinta .

Xubnaha La filaayo iney Daaqada kabaxayaan waxaa kamid ah ayaa laleeyahay Fowziya Xaaji Aaden Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada ,Maryam Qaasim Wasiirkii hore ee Adeega Bulshada, Cabdi xakiim Fiqi Wasiirkii gaashaan-dhigga, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi wasiirkii warfaafinta oo la isla qiray inuu ahaa shakhsigii ugu waxqabadka badnaa xukuumadii Raisul Wasare Shirdoon iyo xubno kale .

Dadka Falanqeeya Siyaasada Soomaaliya ayaa aamisan ineysan waxba ku jabneyn soo celinta qaar kamid ah golihii Wasiirada ee xukumadii kalsoonida laga laabtay waxayna sheegeen in horayba ey u dhacday xukuumado dhacay in wasiiro katirsanaa lagu soodaro xukuumada markaas la dhisaayo ,balse waxay kutalinayaan in Wasiirada lagu soo xulo Waxqabadkooda sida ey hadalka u dhigeen .

Qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa Si cad u sheegay ineysan kalsooni siineyn Xukuumada Cusub hadii ey soolaabtaan Qaar kamid ah wasiiradii xukumadii Raisulwasare Shirdoon kuwaas oo sabab uga dhigay diidmada kalsoonidooda in Xukuumadii hore ey kalsoonida ugala laabteen wax qaabd la’aan hadii ey aqbalaan soo laabashada wasiiradune waxay sheegeen iney tahay “Jug Jug Meeshada Joog” oo ey ule jeedaan ineysan waxba isbadaleyn .

Lama oga nooca ey nqoon doonaan Wasiirada uu soo dhisi doono Raisulwasare Cabdi Weli Balse waxaa aad looga dhursugayaa golaha Fulinta ee Uu Raisulwasaraha lasoo shirtago iyo sidoo kale Qaabka ey u meel marin karaan Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo qaar kamid ah diidanyihiin soo noqoshada xubno kamid ah wasiiradii hore

Sikastaba ha ahaaatee waxaa muuqaneyso rajo xumada laga qabo soolaabashada xubno katirsanaa xukuumadii Saacid Shirdoon la arki doonee qaabka loosoo dhiso xukuumada Cusub oo lafilaayo in lagu dhawaaqo 48 saac ee fooda inagu soo hayso

NB; Waxaan soo wadaa faalooyin kale oon ku eegi doono Xukuumada Cusub kadib marka uu lu dhawaaqo Raiuslwasaraha Golihiisa Wasiirada ee ha u deyma la aanina insha allah.
W/D Mohamed Shaafici
Shaafici121@gmail.com
Nairobi ,Kenya

Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikir Warbaahinta Allgalgaduud Media waxii dhaliil ah ama amaan ah fadlan kala xiriir qoraha emailkiisa Shaafici121@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com