Dhageyso:Amisom Oo U Diiday Odayaal Inay Ka Qeyb galaan Shirka Baydhabo.

0

baydhabo1Baydhabo (AGGM): Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ee halkaasi kusugan ay udiideen qaar kamid ah malaaqyada inay gudaha ugalaan xarunta ADC-da Baydhabo oo shir ka socday.

Malaaq Sanweyne Ibraahim Cali oo ka mid ah malaaqyada loo diiday inay shirkaasi galaan ayaa sheegay inay 42 iyagoo ah hadda banaanka kusugan islamarkaana ay baaq jeediyaan.

Waxa uu sheegay in xalay lagu magacaabay gudiga doorashada maamul gobolleedka Koonfur Galbeed Somaliya oo aysan ogeyn meel lagu magacaabay ay hadda xarunta ADC-da ku jiraan.

Sidoo kale Malaaq lagu magacaabo Is koris ayaa isna waxa uu sheegay inay ka cabanayaan arintaasi ay AMISOM ku dhaqaaqday.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

AMISOM OO UDIIDAY MALAAQYO SHIR KA SOCDA BAYDHABO

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com