Top News: Ahlu Sunna oo u hambalyeysay madaxda cusub ee Puntland

0

download (1)Guriceel(AGGM): Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar.

Guddoomiyaha Saddexda Gole ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan (Guureeye) ayaa Allgalgaduud Media  u sheegay in doorashadii maanta ka dhacday Garoowe ee lagu doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaalida.

Sheekh Guureeye ayaa madaxda cusub ka codsaday in ay soo dhisaan gole wassiirro oo tayo leh iyo in ay xoojiyaan xiriirka uu maamulka la leeyahay dowladda dhexe ee Soomaaliya, maamullada kale iyo dalalka dariska ah.

Wuxuu tilmaamay in maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca uu la shaqayn doono hoggaanka cusub ee maamulka Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com