War Deg Deg Ah:Deegaanada Puntland Oo Ay Ka Socdaan Dibadbaxyo Isqilaafsan.

0

Breaking-NewsGaroowe (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ay sheegaya in halkass uu kasocdo dibadbax iyo dhagax tuur looga soo horjeedo Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland mudane C/wali Maxamed Cali.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya iyagana in Magaaloyinka waaweyn ee maamulka Puntland sida,Gaalkacyo, Bosaaso, Qardho iyo Badhan ay ka socdaan dibadbaxyo waaweyn oo loogu dabaal dagayo islamarkaana lagu soo dhaweenayo Madaxweynaha Cusub ee maamulka puntland Prof. Cabdwali Maxamed Cali.

Dhinaca kale ninba ceesaanti ceelka keensaye magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda dibax ay soo abaabuleen maleeshiyo beeleedka Raskambooni laguna taageerayo Madaxweynaha cusub ee maamulka goboleedka Puntland.

Isku soo wada duuboo hadal heeynta maanta oo ay dadku ku kala fikir duwan yihiin ayaa dadka qaar waxa ay taageerayaan Madaxweynaha Cusub ee maamulka Punltand, halka dadka qarkiina ay ka soo horjeedaan una arkaan inuu yahay dambiile dalka iyo dadka horey dambi uga galay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com