Dhageyso: Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo noqday Madaxweynaha Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay Soomaaliya.

0

xasan sheekh11Muqdisho, 08 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan hambalyo qaas ah u dirayaa Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas, oo aan wadashaqeyn dhow yeelan doono, iyadoo Dowladda Federaalka ay dar-dargelineyso dhaqangelinta Federaalka Somalia. Puntland waxey tusaale fiican u tahay dalka intiisa kale.”

“Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda aheyd ee ay u loolantameen. Puntland waxey tustay dalka intiisa kale iyo caalamkaba in dhaqanka dimoqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi laheyn.”

Madaxweynahu waxuu ammaanay Baarlamaanka Puntland sidii mas’uuliyadda laheyd oo ay u maareeyeen doorashooyinka.

“Xildhibaanadii matalayey shacabka Puntland waa codeeyeen oo ay soo afjareen olalahii doorashooyinka oo maalmahan la hadal hayey. Sidoo kale waxaan ammaanayaa oo aan u mahadcelinayaa Madax Dhaqameedka, Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha amniga oo sugay amniga iyo nabadda xilligii doorashooyinka, kaasoo doorashooyinka ka dhigay kuwo guuleysta.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole oo madaxweyne ka ahaa Puntland 5tii sano ee la soo dhaafay islamrkaana fuliyey doorashooyinka inay waqtigooda dhacaan, uuna aqbalo go’aankii codynta”.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Madaxweynaha

DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
Office of the President of the Federal
Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so
E 2:engabdirahman@gmail.com

Twitter: @thevillasomalia; @engyarisow
Facebook: Eng. Yarisow

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com