Dhageyso:Afhayeenka Maamulka Jubbaland Xasan Qaasim Warsame Oo Beeniyey in aysan Jirin Sarkaal ku Biiray Raas-kambooni

0

WarbixinKismayo(AGGM): Afhayeenka Dowlada Goboleedka Jubbaland Xasan Qaasim Warsame oo Wareeysi Gaar ah Siinayey Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa beeniyey Hadal dhawaan ka soo baxay Maleeshiyo beeleedka Raas-kambooni oo ahaa in uu Isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Madaxweyne Bare Hiiraale.

Afhayeen Xasan ayaa sheegay in Hadalkaasi uu yahay Mid aan Sal iyo Raad toona la heeyd islamarkaana Dadka Shacabkaa ee Reer Jubbaland lagu Habaabinayo.

Xasan Qaasim Warsame Afhayeenka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay wadaan Qorsheyaal Magaalada Kismaayo iyo Tuulooyinka u dhaw looga Xareenayo Maleeshiyo Beeleedka Raas-kambooni.

Waxuu intaa ku daray in Ciidamada Dowladda Jubbaland ee ay Diyaar u yihiin in ay Dalka ka Xoreeyaan Ciidamada Xooga ku jooga Kismaayo iyo Maleeshiyadka Raas-kambooni ee Al-shabaab ku Fikirkaa.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Wareeysiga Afhayeenka Jubbaland Mobilkaaga… 

 

Wareeysi Afhayeenka Maamulka Jubbaland xasan Warsame Qaasim

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com