Top News: Madaxweynaha Somalia “Doorashada Puntland waa horumar lagu tallaabsaday.”

0

XASAN SHEEKHMuqdisho, 07 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay doorashooyinka Puntland horumar lagu tallaabsaday, una rajeeyey in doorashada madaxweynaha Puntland ee berri dhaceysa ay noqoto mid sii xoojisa horumarka iyo dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan u soo dhoweyneynaa in doorashooyinkii Maamulka Puntland ay marayaan marxaladdii ugu danbeysey oo maalinta berri ah xildhibaanada Puntland ay dooran doonaan shaqsigii noqon lahaa Madaxweynaha Puntland 5ta sano ee soo socoto.”

“Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Saciid Xasan Shire iyo ku xigeennada Guddoomiyaha oo ku guuleystay doorashooyinkii 4ta Janaayo. Baarlamaanka Puntland waxey muujiyeen mas’uuliyad, weyna ku ammaananyihiin sidii quruxda badneyd oo ay doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa u maareeyeen, tanoo kalsooni buuxda siisay shacabka Soomaaliyeed. Maalinta berri 8da Janaayo waa maalin taariikh weyn oo aan ka wada rajeyneyno in Baarlamaanku uu si habsami leh u gudan doono waajibaadkiisa, isla markaasna ay dooran doonaan shaqsiga noqonaya Madaxweynaha Puntland.”

“Waxaan ammaan gaar ah u soo jeedinayaa Odayaasha dhaqanka ee Puntland oo soo xulay xubnaha Baarlamaanka, iyo sida maamulka Puntland ay uga dhabeeyeen in doorashooyinka waqtigoodii ay ku dhacaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dhammaan musharixiinta xilka Madaxweynenimo oo la’aantood aysan suurtogal noqon laheyn in si dimoqraadiyad ah ay baarlamaanka u doortaan Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale Guddiga doorashooyinka oo waajibkooda si xilkasnimo leh u gutay. Waxaan iyagana la illoobi karin kaalinta hay’adaha amniga Puntland ay ka qaateen inay sugaan amniga iyo xasiloonida Puntland.”

“Ugu danbeyntii dhammaan musharaxiinta xilka Madaxweynenimo waxaa saaran mas’uuliyad gaar ah, waxaana u rajeynenaa guul oo shaqsi kasta oo ku guuleysta doorashada waxey guul u tahay dhammaan musharaxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka deegaanada Puntland. Sidaas daraadeed, waa muhiim in go’aanka doorashada la aqbalaa isla markaana lala shaqeeyaa Madaxweynaha la doorto oo lagu garab siiyaa xilka culus.”

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia, Office of the President of the Federal Republic of Somalia, yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com, Twitter: @thevillasomalia, @engyarisow, Facebook: Eng. Yarisow,

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com