Daawo Sawiradda: Mid Ka mid ah Dugsiyada Ku Yaala Magaaladda Muqdisho Oo Soo Bandhigay Qaabka Ay Wax U Baraan Ardayda Dugsiga Qur’aanka Kariimka Ee Degmada Xamar Weyne.

0

DSC02723Muqdisho (AGGM): Degmadda Xamar Weyne Waxay ka mid tahay Degmooyinka ugu Qadiimsan Magaalada Muqdisho , dadka ku dhaqan degmadda X/weyne waa dad jecel Nabadda iyo horumarka waxbarashada , waxaana ku nool dad aad u fara badan waana degmo aad u camiran lagana dareemo mashquul aad u fara badan amnigeeda aad u wanaagsan yahay .

Hadaba waxaan booqanay mid ka mid ah Dugsiyada lagu barto Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Culuumta Diinta kuna yaala Degmada X/weyne, aga-gaarka Masjidka weyn ee Marwaas Waxaana lagau magacaabaa Madarasada Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Culuumta Diinta. .

Madarasada Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka kariim waa Madaraso Diini ah waxaana dhigta arday tiradoodu kor u dhaafayso 220 waxayna isugu jiraan Wiilal iyo Gabdho iyo dad waa weyn intaba.

Hadaba’Waxaan Wareysi layeelanay Maamulaha Madarasada Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka Al-ustaad C/qaadir Siidow Ibraahim asagoo Faah-faahin naga siiyay Qaabka ay u howl gasho Madarasada wuxuuna noo sheegay in Arydayda Dhigata Madarasada ay isugu jiraan Arday Agooman ah iyo kuwa aan awoodin inay iska bixiyaan Qarashka waxbarasho ,waxayna isugu jiraan Wiilal iyo Gabdho iyo Qeyb loogu talagalay Aabayaasha & Hooyooyinka si loo helo Qoysas Muslimiin ah oo wada Xifdisan Kitaaba Alle inoo soo dejiyay waxaana la baraa Baraa Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Axaadiista, Axkaamta Tajwiidka ,Tuxfaha, Siirada Nabigeena Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa Alle ha yeelee,Fiqiga,Tafsiirka Qur’aanka,Adkaarta,Luuqadaha Carabiga, Soomaaliga,English,Xisaabta iyo dhamaan wixii ku saabsan Diinta Islaamka.

Ardayda Dhigata Madarasada Yuusuf Waxay u kala qeybsamaan 3 qeybood waxayna kala yihiin sidatan.

1.Arday Heerka koowaad oo ah kuwa loogu talagalay inay Qur’aanka ku xifdiyaan muddo kooban.

2.Ardayda Heerk Labaad Waa Xanaano kuwaas oo da’doodu ay yartahay waxaana labarayaa Farbarashada Hingaadka iyo Xifdinta Qur’aanka kariimka iyo dhamaan madooyinka laga dhigo Madarasada.

3.Heerka Sedexaaad waa qeyb loogu talagalay la dagaalanka Jahliga iyo wax akhrin la’aanta waana qeyb Dadka waaweyn keliya ah.

Ardayda dhigata Madarasada Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka waa arday aad u nidaamsan dad badani indhoooda aad u soo jiitay waxayna ku labisanyihiin Hal Dhar oo isku nuuc ama Yuni-foom tusaale ahaan Dhanka Wiilasha waxay ku lebisanyihiin Shaati Cad surwaal Madoow iyo koofiyad , Dhanka Gabdhaha waxay ku labisanyihiin Xijaab Madow,Cabaayad Madow iyo Masar Madoow.

Maamulaha Madarasada Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Culiimtiisa

Al-ustaad C/qaadir Siidow Ayaa arinta labiska ardayda noogu sheegay in ay ka dhalatay kadib markii uu arkay sida loo liidaayo Dugsiyada Qur,aanka Kariimka lagu barto, waayo markaad eegto Ardayda Dhigata Iskuulada Nidaamiga ee lagu barto Maadooyinka Maadiga ah waxaad arkaysaa Waalidiinta dhalay ardaydaas markay u dirayaan iskuulka ugu labisaan si wanaagsan oo aad u qurux badan halka ardayda Dugsiyada Qur’aanka Kariimkana dhar aragiisa fool xun yahay loogu diro taasina waa arin aad u fool xun oo hoos loogu dhigaayo ama lagu liidaayo Diinta islaamka.

Haddaba Illaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa ku Mahadsan oo waa fajiyay arintaan kheyrka ee uu ku dhaqaaqay Al-Ustaad C/qaadir Siidow Ibraahim, waana arin aad u wanaagsan mudanna in ay ku daydaan Macalliminta kale ee Dugsiyada barashada Qur’aanka Kariimka lagu barto, waayo waxay xambaarsan yihiin Risaalad, taas oo u baahan in dadka loo gaarsiiyo si ikhlaasnimo ku dheehan tahay.

Gunta iyo Gabagabada Barnaamijkeena Qalin iyo Qoraal oo aan ku booqanay Dugsiga Yuusuf ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka halkaan ayaan ku soo gaba gabeynaynaa.

DSC09558 67 DSC02738 DSC02737 DSC02733 DSC02728 DSC02725 DSC02723 DSC02720 DSC02716 DSC02714 DSC02700 DSC02695 DSC02686 DSC02673 DSC02668 DSC02667 DSC02664 DSC02661 DSC02656 DSC02651 DSC09943 DSC00592 DSC00527 DSC02745 DSC02718 DSC02663

Wixii talo iyo tusaalo ah ama Taakuleyn ah fadlan la xiriir Maamulka ama wac:-

Tel: 0025261-5572840/0025261-5008787 ama
E-mail: madrasatyusuf@gmail.com ama marwaascenter@gmail.com
www.markazyusuf.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com