Xildhibaanada Beesha Darood & Madaxweyne Xasan Culusow Oo Kulan Ku Kala Dareeray Maanta

0

war-h2Muqdisho(AGGM) Kulan muhiim ah oo ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada beelaha darood iyo Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Culusow ayaa maanta fashil ku soo dhamaaday ka dib markii madaxweynuhu ka codsaday inay u hogaansamaan awaamiirta uu isagu jecel yahay.

Kulankan oo uu abaabulkiisa iyo soo qabanqaabintiisa uu lahaa Madaxweyne Culusow ayaa ahaa mid qado ah oo uu ku doonayey inuu fekerkiisa kaga dhaadhiciyo Xildhibaanada Beesha Darood ee ku jira baarlaamanka federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana kulankaasi ahaa mid uu ku doonayey inuu madaxweynuhu ku qanciyo xildhibaanada inay tageeraan golaha wasiiradda uu ku tilmaamay inay hadda dhameystirsan yihiin.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Beesha Darood ayaa Madaxweynaha ku dhaliiley inuu wali faraha kula jiro arrimihii hore ee xukumadii waqtigeedu dhamaaday,Waxaana xildhibaanadu madaxweynaha u sheegeen inay ka war hayaan talaabo kasta uu qaadayo isla markaasna uu doonayo inuu dib u soo celiyo wasiiradii shaaciyey inay ku fashilmeen hawlahoodii shaqo.

Xildhibaanada ayaa sheegey inaysan tageeri doonin  hadii ay soo laabtaan xubnihii hormuudka u ahaa inay meesha ka baxdo Xukumadii Saacid,waxaana si cad madaxweynaha ugu sheegeen in hadii ay soo laabtaan wasiiradii hore in xukumadu tii fashilantay tahay isla markaasna aysan tageersaneyn.

Ugu dambeyntii Mudane Culusow ayaa maalmahan wada qorshe uu si gooni gooni ah kula shirayo xildhibaanada beelaha isla markaasna uu ku doonayo inuu fekeriisa kaga dhaadhiciyo,waxaan kulankan maanta xildhibaanada beelaha darood uu la yeeshay ku soo dhamaaday kala duwanansho fekeri iyo afgaran waa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com