Dhageyso: Ahlusunna Waljamaaca “Cidna Nagalama Tashan Wasiirada Cusub Ee R/wasaaraha Magacabaayo”.

0

ahlusunaDhuusamareeb (AGGM): Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu-sunna Waljamaaca ee gobalada dhexe ayaa si adag uga hadlay soo magacaabista golaha wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaaraha laga doonaayo, iyaga oo dhaliil soo jeediyay.

Gudoomiyaha golaha talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar C/qaadir ayaa sheegay in marka hore aad ay uga xunyihiin in aan lagala tashan wasiiradaan, isaga oo sheegay in ayaan daro ay tahay.

Dhanka kale waxa uu sheegay in iyaga ay dhowreen heshiiskii dowladda ay la galen hase ahaatee dowladda ay iyada ka gaabisay, wuxuuna sheegay in xilligaan la doonaayay kaalin wanaagsan inay ka qaataan arimaha wasiirada cusub.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warka Ahlusuuna Waljamaaca Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Cusub Ee Ka Yimi Ahlusunna Waljamaaca

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com