Dhageyso: Wareeysiga Xoghayaha Nabada iyo Hormarinta Gobolada Galguduud iyo Jubbooyinka.

0

top-newsMuqdisho(AGGM): Xoghayaha   Nabada iyo Hormarinta  Gobolada Galguduud iyo  Jubooyinka Axmed Maxamuud Cabdisalaan oo loo yaqaano Axmed Cabdisalaan oo Wareysi Dhinacayo Badan taabanaya Siiyey Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa ka hadlay Arimo Farabadan.

Axmed Maxamuud Cabdisalaan ayaa ugu Horen ka hadlaye Dagaal Beeleed ka dhacay Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaalia,waxaana uu ugu baaqay in dhinacyada dagaalamaya ay si Deg Deg ah u joojiyaan Dagaalada Islamarkaana ay Yimadaa Miiska Wada Xaajoodka.

Xoghayaha ayaa sheegay in Dadka Dagaalamaya ay Yihiin Dad wada dhashay oo aysan mudneeyn in Xiligaan ay Dagaalamaan.

Sidoo kale Xoghayaha   Nabada iyo Hormarinta  Gobolada Jubooyinka iyo Galgaduud Axmed Maxamuud Cabdi ayaa Sheegay in Dhawaan Gobolka Gedo laga Furayo Shirweyne looga hadlayo aayaha Gobolada Jubooyinka ee Dalka Soomaalia.

Axmed Cabdi Salaan ayaa sheegay in Shirkaas u jeed kiisu uu yahay sidii la iskugu keeni lahaa Dadka Daga Goboladaasi oo Xiligaan ay ka jirto Mad madoow dhnka Siyasadaa.

Waxuu intaa ku daray in Shirka ay Hormuud ka yihiin Qabsoomidiisa Suldaanada Beesha Sade iyo Wax garadkooda iyo Siyaasiinta.

Wareysiga Xoghayaha   Nabada iyo Hormarinta  Gobolada Jubooyinka iyo Galgaduud.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Xoghayaha Nabad iyo Hormarka Gobolada Jubooyinka iyo Galgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Xafiiska Warbaahinta Allgalgaduud Ee Muqdisho

Allgalgaduud@gmail.com